Madaxweynaha “Soomaaliya waa in laga qaadaa cunaqabateynta hubka si aan uga adkaano Shabaab”

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa golaha amaanka ee Q.M ka codsaday in dalka laga qaado cuna-qabataynta hubka,si ay ciidamada xoogga ugu adkaadaan ururka Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan sheekh ayaa qudbaddii uu ka jeediyay New York kusoo qaaday dhibaatooyinkii ka dhashay dowlad la’aanta oo ay weli raadadkooda muuqdaan,taasoo uu ku tilmaamay in lagaga bixi karo xoojinta amaanka iyo nabadaynta dalka oo dhan.

Madaxweynaha oo si weyn ugu nuux-nuuxsaday tayaynta iyo dib u dhiska ciidamada difaaca qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in taageerada beesha caalamka ay u tahay mid muhiim,isagoo xusay in la qaaday tallaabooyin wanaagsan oo lagu hubinayo qorista Ciidamada iyo mushaarkooda, waxaa uu xusay inay ka shaqeynayaan isku dhafka ciidamada qaranka.

Golaha amaanka ee Q.M ayaa sanaddii 1992-dii kusoo rogay Soomaaliya cunaqabatayn xagga hubka ah, si loo xakameeyo fowdadii dalka ka taagnayd xilligaas,waxaana xayiraadda hubka oo laga qaado waqtigan ay ka dhigan tahay soo nooleynta tayadii ciidanka xoogga dalka maaddaama ay jirto dowlad dhexe oo aan ku meel ahayn.