Wasiir Sabriye oo ka hadlay Wada hadalladda Somaliland iyo Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisinta Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa  sheegay in wada hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland  ay socdaan dadaallo ku aaddan in ay dib u bilowdaan, isla markaana ay qeyb ka noqon doonaan Dhab u heshiisiinta Qaran ee dalka laga hirgelin doon.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in dedaal badan lagu bixiyey  sidii loo baajin lahaa loona heshisiin lahaa colaadihii ka jiray degaanno ka tirsan Galmudug,  waxaana Tubta siyaasadda loo dhan yahay qeybta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku xusan Halbeegyada dhaqangelinta Dhab u heshiisiin Qaran.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadisay sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.