Virgil Van Dijk Oo Jawaab Ay Ku Farxeen Taageerayasha Liverpool Bixiyay

Daafaca kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa bixiyay jawaab ay jeclaysteen taageerayasha kooxdiisu kaddib markii wax laga weydiiyay darajada uu doonayo inuu gaadho mudada uu xidhan yahay maaliyada Cas.

Daafaca ree Holland ayaa dib u curiyay habka ay Reds wax u difaacdaan tan iyo markii ay ka dhigeen daafaca ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta ee ay 75 Milyan kagala soo saxeexdeen Southampton.

Van Dijk ayaa haatan kamid ah ciyaartoyda ugu cad cad ee loo magacaabi karo u tartamaysha abaalmarinta PFA ee xiddiga sanadka ee Premmeir League isaga oo haatan isha ku haya kulanka weyn ee ay Axada booqanayaan Man United.

Haddaba, Mar uu u warramayay BBC Sport, Van Dijk oo la weydiiyay qaabka uu jeclaan lahaa in looga xasuusto Liverpool ayaa yidhi “Laga yaabaa ka halyeey ahaan”

“Sida iska cad taasi waa wax kusoo dhacda maskaxdayda wakhti xaadirkan, Waxaan doonayaa inaan gaadho waxyaabo waaweyn, Waxaanu haysanaa saf cajiib ah, Waxaanu haysanaa dhammaan agabka, (Laakiin) sida iska cad waa inaanu samaynaa”