Najib Balala oo ah Wasiirka dalxiiska dalka Kenya sheegay in uu raali gelin ka bixiyay hadal oo uu horay ugu jeediyay dadka Asaga kasoo horjeedda.
Wasiirka ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa uu eedeyn kulul kala kulmeeyay dadka Shacabka ka dib markii ay dhinteen ku dhawaad 10 kamid ah xawaayaanka Wiyisha ee ku nool seeraha Kenya.
Wasiirka oo ka hadlay dadka eedeynta u jeedinaayay ayaa waxaa uu ku yiri ‘Naarta gala’ taasoo la sheegay in dad badan ay ka caroodeen.
Waxaana cadaadis lagu saarayay inuu xilka iska casilo , waxaana uu ugu dambeyntii uu sheegay in uu raligelin Bixiyay , Maadaama uu dadka habaaray.
16 kamid ah Wiyisha ayaa laga daadgureeyay seeraha qaran ee Nairobi waxaana la geeyay seeraha ugu wayn dalka Kenya ee lagu magacaabo Tsavo East.



