Home FAALLOOYINKA Yaa ka mas’uul ah nadaafadda sii xumaaneysa ee Muqdisho?

Yaa ka mas’uul ah nadaafadda sii xumaaneysa ee Muqdisho?

SHARE

Dabayaaqadii bishii January-2018; madaxweyne Farmaajo; ayaa Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan, waxa uu u magacaabay gudoomiyaha gobolka Banaadir, taas oo ka dhignayd in Eng Yariisow Bedelayo guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Thaabit Cabdi, magacaabista Eng; Yariisow ee guddoonka gobolka Banaadir waxa ay dad badan ula muuqatay in canshuurta laga qaado muwaadiniinta ku nool Muqdisho ay dib ugu noqon doonto  hagaajinta iyo horumarinta gobolka Balse ku dhowaad 8; bilood kaddib oo uu xilka haya Eng: Yariisow maxaa iska beddelay Muqdisho? Maxaa ku soo kordhay? Canshuurtuse ma ku noqotaa iyada oo adeeg ah canshuur-bixiyeyaasha?

Suuqayada waaweyn, jidadka iyo goobaha muhiimka u ah bilicda caasimadda ayaa isu rogay meelo biyuhu fariistaan, kuwo qashinka lagu daadiyo iyo meelo ay Lo’du fariisato iyada oo ganacsiga, guryaha, gaadiidka iyo adeegyada kala duwan ee gobolka ay dowladda hoose ee Muqdisho ka qaadato canshuur aad u badan, Eng: Yariisow ayaa sheegay intii ku cusbaa xilka guddoomiyaha gobolka in muddo 3; bilood ah ay bixiyeen dadka ku nool gobolka Banaadir lacag dhan 42; milyan oo dolar.

Degmooyinka Howlwadaag, Wadajir, Xamarweyne, Waaberi iyo Hodon ayaa kamid ah degmooyinka caasimadda ee  ay dadka iyo deegaanku ku dhibban yihiin nolosha iyo ganacsiga, sidaas oo kale waxa ay degmooyinkaasi safka hore uga jiraan suuqyada waaweyn ee ay dowladda hoose ee Muqdisho ka qaaddo casnhuurta, jidadka qaarkood ayaa qashinku xiray, waxa ayna dadweynuhu ku ganacsanayaan meelo aad u nadaafad iyo fayo-dhowr xun, waxa ay nadaafadda iyo bilicdu hoos u dhacday kaddib markii uu xilka guddoonka gobolka yimid Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, sababta ugu weynna waxa laga yaabaa in ay tahay guddoomiyaha oo waqtigiisa inta badan ku qaata furitaanka xafladaha, ciyaaraha, safarada dibadda iyo isticmaalka Facebook, iyada oo aragtida maamul iyo howsha bixinta adeeg bulsho ay suuragal tahay in aanay ku jiran qorshaha maamulka gobolka.

Jidadka soddonka iyo Wadnaha oo kamid ah waddooyinka la dhisay ka hor  intii uusan xilka qaban  guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa hadda qarka u saaran in ay qarsoomaan qashinka iyo carada ay biyuhu keenaan awgood iyo lo’da oo ay hoy iyo xero u yihiin labadaas jid iyo meelo kale oo badan oo kamid ah caasimadda.

Degmooyinka qaarkood sida Howlwadaagiyo Xamar Jajab oo kale waxa ka jira nadaaf iyo deegaan xumo weyn, sidaas oo tahayna waxa kuyaal suuqa Bakaaraha oo lacag badan oo canshuur ah ay ka hesho dowladda hoose ee Muqdisho.

Inkasta oo guddoomiyaha gobolku soosaaray amar magaalada muqdisho looga mamnuucayo xoolaha hadana amarkaasi  afka ma dhaafin, guddoomiyuhuna waxa uu dhowr meelood ka sheegay in laga shaqeynayo bilicda caasimadda hayeeshee bilici ha joogtee waxa ay taagan tahay in qashinku xiro jidad waaweyn, xayiro ganacsiga islamrakaana halis ku noqdo nolosha dadweynaha, halka Lo’duna ay deegaan iyo hoy ka dhigato farasmagaalaha iyo jidadka waaweyn.

Isgoysyada waaweyn ee Muqdisho qaarkood waxa ay hoy u noqdeen qashin, Lo’ iyo ciid farabadan oo ay roobabku keeneen, halkii ay ahayd in gobolku awooddiisa isugu geeyana waxa uu gobol door biday in haweenka degmooyinka loo isticmaalo in ay subaxa hore tagaan laamiyada iyaga oo aan qalab iyo gaadiid haysan balse loo muujiyo in ay shaqo hayaan, taas qudheedu hadda waxa ay u muuqataa mid sii yaraaneysa.

Ciidda iyo qashinka ay keenaan roobabku ayaa xira Jidadka waaweyn ee caasimadda iyada oo ay adag tahay in gaadiidka iyo dadweynuhu socdaan marka roobku da’o,

Gaadiidka dadweynaha sida BL-ka iyo Bajaajka waxa loo canshuuraa si joogto ah balse canshuurtaasi kuma noqoto iyada oo adeeg ama gabbaad ah, sidaas awgeed waxa aad maqashaa dilka dhallinyarada kaxeysa Bajaajka, guddoomiyaha iyo guud ahaan maamulka gobolka oo u qareemi lahaa waxa ay ku jiraan fantasyo iyo kulamo aan macno lahayn oo intooda badan loo qabto si Facebook wax loogu qaro ama loo soo geliyo sawiro.

Lacag u dhexeysa 15-20 dollar ayay dowladda hoose ee Muqdisho casnhuurtaa Bajaajka bishii, halka 50-60 dollar la canshuuro gaadiidka kale ee dadweynaha,halka gaadiidka gaarka ah ee raaxada bishii la canshuuro  15-20 dollar, sidaas oo tahayna jidadka oo wax weyn loga qaban karo lacagtaas waxa ay ku sugan yihiin nadaaf xumo, ciriiri iyo dhibaato ay u geystaan biyuhu.

Inta badan suuqyada waaweyn waxa ay dowladda hoose ee Muqdisho ka qaadataa canshuur joogto ah, iyada oo ay aad u yartahay canshuur ku baaqata ganacsiga iyo adeeg yada kale,.

Sida uu sheegay guddoomiye Yariisow gobolka Banaadir waxa bishii laga qaadaa canshuur dhan 14; milyan oo dollar, waxa ay lacagtaasi haddii si fiican loo maamulo ku filan tahay horumarinta iyo hagaajinta caasimadda, balse waxa jira maamul xumo iyo xilgudasho la’aan sababtay in nadaafadda iyo bilicda caasimaddu hoos u dhacaan laga soo billaabo billowgii sanadkan, iyada oo qashinka iyo faya-dhowr xumadu ku soo kordhayaan degmooyinka caasimadda.

Inkasta oo ganacsatada gobolka Banaadir ay awood iyo karti fiican u yeesheen bixinta iyo jogteynta canshuurta saaran ganacsigooda sida uu sheegay guddoomiyaha gobolku haddana shirkado nadaafadeed oo si gaar ah loo leeyahay oo gobolka Banaadir u xiray nadaafadda Muqdisho waxa ka qaataan dadweynaha lacag joogto ah oo bil walba ayy qaataan iyaga oo uga sii daray nadaafadda iyo bilicda Muqdisho.

Bixinta canshuur aan beddel lahayn waxa ay sababtaa kalsooni la’aan iyo kala xiriir furasho dadka la xukumo iyo kuwa wax xukuma, maamulka gobolka Banaadir ee hadda jira waxa uu horseeday in dadweynaha gobolka Banaadir ay shaki geliyaan daacadnimada maamulka gobolka, iyada oo nidaamka wadda-maridda, Nadaafadda iyo shaqo-gudashadu ay aad u hooseeyaan haddana canshuurta gasha qasnadda dowladda hoose iyo dhaqaalaha gobolka ka helo canshuurta dekedda Muqdisho midkoodna ma muuqato in ay kusoo noqonayaan Muqdisho iyaga oo adeeg iyo hagaajin ah, muwaadiniinta qaarkood oo isbabar-dhig ku sameeyey maamulka gobolka ee hadda jira iyo maamulkii ka horreeyey ayaa muujiyey in maamulkii hore uga wanaagsan kan hadda jira dhinaca dhiirrigelinta iyo kobcinta adeegga dadweynaha.

La soco qeybta ladd.