Dhageyso:-Wariyeyaasha Soomaaliyeed oo xaalad quus ah jooga (Warbixin)

Saddexdii Sano ee ugu dambeeysay ee Dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa ay Saxaafadda Soomaaliya wajahayeen caqabado dhowr ah oo isugu jira,caburin cabsi gelin iyo xarig.

Wariyeyaal farabadan ayaa la xiray,kuwa ayaa Shaqadooda lagu handaday halka kuwo ay dowladda Soomaaliya ugu xiran yihiin sifo sharci darro ah, iyada oo aan wax maxkamad ah la horgeyn.

Hadaba Tifaftiraha Radio Risaala Maxamed Cabdi Cali ayaa Warbixin ka diyaariyay, waxaana soo jeedinaya Wariyaheena Rijaal Cabdi Maxamed.