Wararkii ugu ugu dambeeyay shirka ka socda magaalada Jowhar

Odayaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa maalintii sadaxaad waxa uu shir uga socdaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe iyadoo ay jiraan waxgarad dhaliilsan shirka halkaasi ka socda.

Shirka oo qeybihiisa hore looga hadlay arimo la xiriira dar dar galinta howlaha maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa waxaa maanta diiradda lagu saaray sida beelaha shirka ka maqan loogu qancin lahaa ka qeybgalka shirka, iyo dhismaha guddiyo kala duwan oo ka shaqeeya xalinta khilaafaadka iyo la socodka shirka, si loo soo dhiso maamul ay uwadadhan yihiin bulsho weynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Dhawaan ayey aheyd markii wasiirka arimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya uu magaalada Jowhar ka furay wajiga labaad ee shirka maamul usameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Waxaana la filayaa in dhawaan uu soo gaba gaboobo dhismaha maamulka madashiisa loo fadhiyo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.