Wararkii ugu dambeeyey deegaanadii Shabaab laga wareegay

Wararkii ugu dambeeyay ee halkaasi aynu ka heleyno ayaa sheegaya in ciidamadda AMISOM iyo Kuwa Dowlada ay wadaan baaritaano lagu xaqiijinaayo Amaanka guud ee deegaanada ay laga qabsaday Al-shabaab.

Deegaanada ay la wareegeen Ciidamada waxaa kamid ah Misaajid Cali Gaduud, Nuur-Dugle, Cad-cadey oo dhamaantood ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay in ay saakay weerar ku qaadeen deegaano ay ka mid yihiin ,Runirgood iyo tuulooyin badan oo hoos yimaada gobolka Shabeelaha Dhexe,islamarkaana ay kala wareegeen Al-shabaab.

Deegaanada ay ciidamo la wareegeen ayaa galabtay degan ,inkastoo deegaanada qaar laga dareemaayo saansaan colaadeed.