Wararkii ugu dambeeyay Qaraxa ka dhacay Wadajir

A Somali man watches the damage caused at the scene where a car exploded in the Madina district of Mogadishu, Somalia May 17, 2017. REUTERS/Feisal Omar

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa faahin faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax duhurnimadii maanta ka dhacay afaafka hore ee xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa la sheegay in loo adeegsaday Gaari Hoomey ah, kaasi oo la soo saaay Khudaar, laguna soo dhexqariyay waxyaabaha Qarxa.

Qaraxan ka dhacay afaafka hore ee xarunta degmada Wadajir ayaa si weyn looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay 15 Qof oo uu ku jiro Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar C/laahi Xasan ayaa ku dhaawacmay Qaraxan, balse ilaa hada lama xaqiijin karo tirada dhimashada.

Sidoo kale dadka ku dhaawacmay Qaraxaasi ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin Xoghayaha degmadaasi, Guddoomiyaha ururka Haweenka degmada, Madaxa Ciyaaraha degmada Wadajir Catoosh iyo xubno kale.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka ayaa gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay, iyaga oo xiray afarta jiho ee goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Masuuliyiinta Adeegga Gaadiidka Gurmadka deg dega ah ayaa inoo sheegay in halkaasi ay u direen qaar ka tirsan shaqaalahooda, si ay goobaha caafimaadka u gaarsiiyaan dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi.