Wararkii ugu dambeeyay magaalada Dhuusomareeb

Xaalada magaalada Dhuusomareeb ayaa yara degen,iyadoo magaalada laga maqlayo dhawaqa rasaas goos goos ah oo ciidamada ay ridayaan.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in magaalada dadka badankood ay ka carareen dadlii deganaa, iyaga oo ka baqayo in dagaalka uu saameyn kale u geysto.

Dagaalka ayaa xalay saqdii dhexe ka bilowday magaalada Dhuusomareeb, waxaana uu u dhaxeeyay ciidamo uu hogaaminayo sarkaal lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne iyo ciidamada maamulka Ahlu sunna.

Dagaalka ayaa sababay khasaaro hantiyadeed, iyadoo dadka rayidka qaarkood ay waxyeelo kasoo gaartay dagaalka oo muddo badan ka socday magaalada Dhuusomareeb.

Saraakiil ka tirsan maamulka Ahlu sunna ayaa sheegay iney dib u qabsadeen magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, oo markii hore ciidamada uu hogaaminayo Liibaan madaxweyne ay ka saareen.

Ciidanka Ahlu Sunna ayaa gurmad xoogan waxa ay ka heleen Magaalooyinka Guriceel iyo Xeraale oo ciidamo badan oo halkaasi ka ambabaxay ay gaareen Dhuusamareeb, taasina ay keentay in Magaalada dagal looga saaro ciidankii uu hogaaminaayay Liibaan Maxamuud Yuusuf (Liibaan Madaxweyne).

Afhayeenka Ahlu Sunna Mursal Maxamed Yuusuf Xeefow, ayaa sheegay in ciidamada Ahlu Sunna ay hada Maamulayaan gacan ku haynta Magaalada Dhuusamareeb.

12-ruux ayaa la soo sheegayaa inay dagaalka ku dhinteen oo dhinacyadii dagaalamay ah, iyadoo ay jiraan dhaawacyo ka dhashay dagaalka.