Wararkii ugu dambeeyay ee kulamada ka socda Garoowe

Wararkii ugu dambeeyey oo aan ka helayno magaalada Garoowe ayaa sheegaya in ay hadda gaba-gabo yihiin shirar gaar-gaar ah oo uu Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid la qaadanayo Madaxda maamulka Puntland, Siyaasiin hore, Isimo iyo ururada bulshada rayidka ah qaarkood.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in ay Puntland hadda ka soo dabacday mawqifkeedii ahaa in 4.5 aan lagu galin doorashada Soomaaliya, taas bedelkeedana ay soo bixi doonaan go’aamo ka gedisan sidaas.

Qaar kamid ah Isimadda ayaa waxa ay sheegeen in aysan marnaba raali ka noqon doonin Nidaamkaas qaadashadiisa, qaar kamid ah ayaa soo jeediyey in mudo dheeraad ah loogu daro dawladda hadda jirta, hadii laga maarmi waayo, laakiin aysan marnaba qaadan doonin Nidaamka 4.5.

Waxaana saacadaha soo aadan la filayaa in ay warbaahinta la hadlaan madaxda ay kulamada uga socdaan aqalka madaxtooyada Puntland, waxaana ay ka hadli doonaan waxyaabihii kulamadaas ka soo baxa.