faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa laba gaari oo saakay waxyaabaha qarxa lagu soo xiray oo ay ciidamadda NISA ka furfureen qaraxyadii kadib markii ay ogaadeen.
Qaraxyada ayaa waxaa lagu xiray labo gaari oo kala duwan, waxaana mid kamid ah gaadiidka qaraxa lagu xiray lahaa sida la sheegay qof shacab ah, waxuuna maraayey nawaaxiga wadada Sayidka ee magaalada Muqdisho xilligaas oo ciidamo baaritaan ku samaynaayey gawaarda ay arkeen qaraxa saaran gaarigaas.
halka gaariga kale oo nuuciisu ahaa Carib saakay aroortii hore lagu arkay degmada Hodan ee gobalka Banaadir,kaasoo yaalay goob laamiga qarkiisaa, waxaana saarnaa gaariga,3 Qori oo qoryaha gacanta ah , Laptop Qarax ah ku xiranyahay, Bam Gacmeedyo, iyo waxyaala kale uu caawiya qaraxyada.
Ciidamada NISA ayaa la sheegay iney dadka ku dhow dhow goobta gaariga yaalay ka saareen kadibna ay furfureen waxyaabihii qarxay ee gaarig ku xirnaa.
Afhayeenka wasaarada amniga xukuumada Soomaaliya C/kaamil Macalin shukri oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa ka warbixiyay qaraxyo saaka la qabtay.
Xuquuqda Sawirada: Cabducaziiz Africa