Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa Ciidamada dowladda gaar ahaan DAMAB, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo Ciidamo uu hoggaaminayo Saadaq Joon oo dhinac ah iyo Al-Shabaab waxaa uu ku dhexmaray degaannada Miiroon iyo Eryaale oo u dhow degaanka Qeycad ee Gobolka Mudug.
Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Ciidamada Huwanta ah ay weerareen degaannada lagu dagaalamay oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo soo gaaray ilaa Gelinkii dambe ee Maanta.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada qeybta 21aad ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka ay Ciidamada Guulo kasoo hooyeen, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, sidoo kale ay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo howlgalka qeyb ka ah ayaa dhowr jeer sheegay inay ka go’an tahay in Guud ahaan degaannada Galmudug ay ka saafaan Al-Shabaab kalana wareegaan meelaha ugu weyn oo ay heysteen sida degmooyinka Ceelbuur iyo Xarardheere ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud.



