Manchester United ayaa isku diyaarineysa inay £ 60m ksuoo qaataan ,Weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang Sida uu leeyahay (Daily Mirror)
Red Devils ayaa sidoo kale qarka u saaran inay wadahadalo la furaan Atletico Madrid kasoo ku aadan saxiixa 27 sanno jirka qadka dhexe ee Juan Mata. Waxaa qoray (Daily Express)
Weeraryahanka Chelsea Eden Hazard,oo 25 jir ah, ayaa sheegay inuusan iska diidi laheyn u dhaqaaqista Paris St-Germain Sida uu baahiyay. (Le Parisien via Guardian)
Laakiin tababaraha Blues Guus Hiddink ayaa uga digay Hazard inuu ka tago Chelsea kuna biro France, ka hor inta uusan dhicin kulanka ay wajahayan PSG. Waxaa daabacay (Daily Express)
Manchester City ayaa wajaheysa dagaal ciyaartoyda ugu fiican da ‘yarteeda ah kuwasoo laga yaabo inay ka tagaan kooxda haddii Pep Guardiola yimaado.Waxaa qoray (Talksport)
Paul Pogba,oo 22 jir ah, Luis Suarez,oo 29 jir ah, iyo 27-sano jirka Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa lala xiriirinayaa Manchester CIty.Waxaa sdaabacay Maanta (Daily Mail)
kooxda Turkiga ee Besiktas ayaa ka fiirsaneysa inay xagaagan u dhaqaaqaan 29-sano jirka Roma Edin Dzeko Sida uu leeyahay (Gazzetta dello Sport,)
Southampton ayaa diyaar u ah inay iska iibiso Sadio Mane haddi ay ku helayaan £ 30m xagaaga sooscda, iyadoo Manchester United iyo Manchester City ay doonayaan inay la soo wareegaan xiddiga Senegal ee 23-sano jirka ah. Sida uu baahiyay (Daily Mirror)
Weeraryahanka Croatia Nikica Jelavic, oo 30 jir ah, waa ciyaaryahankii ugu danbeeyay ee Premier League ee u guura Shiinaha ka dib markii West Ham iyo Beijing Renhe ay ku heshiiyeen £ 4m. Waxaa qoray (Daily Mail)
Tababaraha kooxda AC Milan Sinisa Mihajlovic ayaa sheegay in weeraryahanka Liverpool Mario Balotelli, oo 25 jir ah, laga yaabo inuu ciyaartiisii ugu danbaysa u ciyaaro kooxda Talyaaniga ah Sidaasi waxaa baahiyay (Liverpool Echo)


