Guus Hiddink oo sheegay in Hazard hamigiisa ugu weyn uu siiyo kooxda Chelsea

Guus Hiddink ayaa u sheegay Eden Hazard inuu diirada saaro Chelsea ka hor inta uusan suuqa kala iibsiga ka radsan lacag weyn.

Hazard ayaa shaaca ka qaaday kadib wareysi uu la yeeshay Le Parisien inay adag tahay in la yidhaahdo maya dalab ka yimaada Paris Saint-Germain,xili labada koox caawa ay ku kulmayaan Champions League,

Xiddiga Belgian ee 25-sano jirka ah, kaasoo saxiixay heshiis £ 200,000-isbucii uu ku qadan doono sanadkii la soo dhaafay, ayaa weli bartilmaameed muddo dheer u ah kooxaha PSG iyo Real Madrid,

inkastoo uu qaab ciyaareed sabool ah uu kujiro,oo uusan gol ka dhalin Barclays Premier League tan iyo April Haddana wali waa mid kamid ah xiddigaha ugu sameynta badan Bules,

Hiddink ayaa yiri: “Marka hore waa inuu heli taam ahaansho uu ku miijiyo inuu yahay ciyaaryahan sarre, ka dibna Chelsea ayaaba ah koox weyn, , waxa uu noqon karaa mid qiima weyn yeesha.

PSG ayaa damcay ka laheyd Hazard markii uu joogay kooxda Lille ka hor inta uusan £ 30million ugu biirin kooxda Stamford Bridge.

Maalgelayaasha reer Qatar, ee iska leh kooxda horyaalka French ayaa tan iyo markii ay kooxdan la wareegeen ujeedadoodu aheyd inay helaan xiddigan.

“Waa adag tahay in la yiraahdo in l;a diido ku biirista PSG ,” ayuu Hazard u sheegay Le Parisien. ‘Had iyo jeer waxaa jira shaki kubada cagta.ah wali waxaan ahay Chelsea ,lakiin cidna ma oga waxa soooscda ayuu hadalkiisa ku daray.

Guus Hiddink ayaa dhanka kale ka hadlay awooda kooxdiisa ,iyo kulanka caawa waxaana uu yiri” Caawa waxaan rabnaa inana sii wadano rikoorkeena guul daro la,aanta ah wa kulan adag lakiin waan badin karnaa markasta.