Wararkii ugu dambeeyay Bandowgii maanta lagu soo rogay Kismaayo

Maamulka Jubbaland ayaa maanta waxa ay Bandow ku soo rogeen guud ahaan magaalada, iyadoo isu socodkii gaadiidka iyo ganacsigii magaalada hakad uu galay.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in ujeedka ugu weyn Bandowga uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa guud ahaan amaanka magaalada.

Waxaana ilo wareedyo hoosaad ah ay sheegayaan in laamaha amaanka magaalada Kismaayo ay maanta kulan ku yeesheen magaalada Kismaayo.

Warar Idaacadda Risaala ay caawa heshay ayaa sheegaya in Bandowgii maanta saarnaa magaalada Kismaayo laga qaaday , iyadoo dhaq dhaqaaqa dadkana uu sidii hore ku soo laabtay.

Dhowaan ayay aheyd markii ciidamo uu hogaamiyo Barre Hiraale oo ku sugnaa duleedka magaalada Kismaayo ay gudaha u soo galeen magaalada.