Ku dhowaad ilaa iyo 100 askar oo ka tirsan ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa maanta waxaa tababar loogu soo xiray Muqdisho, Waxaana ciidamadaas lagu wareejiyay maamulka gobolka Banaadir.
Ciidamada maanta lagu wareejiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa la sheegay in gundhigooda uu yahay xaqiijinta amaanka gobolka, maadaama amaanka gobolka lagu wareejiyay maamulka gobolka Banaadir.
Maxamed Sheekh Xasan Xaamud taliyaha boliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada maanta lagu wareejiyay maamulka gobolka Banaadir ay tahay sababta sidii loo xasilin lahaa amaanka caasimadda.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhankiisa sheegay in ciidamadan ay wax badan ka bedeli doonaan amniga caasimadda, si isbedel loo sameeyo.
Tan iyo markii la shaaciyay in amniga caasimadda lagu wareejiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayay dilal iyo qaraxyo qorsheysan, kuwaas oo lala beegsanayay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah.


