Boosaaso-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab xalay ka kacay Kaalin shidaal oo ku taalla Afar irdoodka magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, kaasi oo socday mudo saacado ah.
Kaalinta shidaal ee dabka uu ka kacay xalay oo gaar loo leeyahay laguna magacaabo 3CC, ayaa waxa ay si gaar ah ugu taalaa meel aan sidaas uga fogeyn Hotelka Ramaada.
Shacab fara badan ayaa ku soo xoomay goobtii uu dabka ka kacay, iyaga oo ka qeyb qaatay daminta dabka, waxaan dabka uu ku sii fiday goobaha ganacsi ee halkaasi ka akdhow, gaar ahaan kaalin shidaal kale oo goobta ku tiilay.
Gaadiidka dab damiska iyo shacab kale oo gurmad ah ayaa isla xalay waxa ay gaareen goobta uu dabka ka kacay, iyaga oo dadaalo badan kadib, ku guuleystay daminta dabkii kacay.
Intii uu xalay dabka socday ayaa waxaa la arkayay fuustooyin shidaal ah oo Qarxaya, islamarkaana uu cirka isku shareeray ololka goobta ka soo baxayay, sida ay sheegeen qaar ka tirsan dad goob joogayaal ah.
Khasaare hantiyadeed oo fara badan ayaa ka dhashay dabkan, iyada oo sidoo kale goobaha kale ee Ganacsi laga bixiyay hantidii tiilay, si aanay u saameyn dabka, waxana xalay ay cabsi soo wajahday shacabka magaalada.
Ilaa hadda si dhab ah looma waxa dhabta ah ee sababay dabkan, balse Maamulka Gobolka oo xalay goobta gaaray ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaanada la xiriira dabkan.


