Muqdisho-RisaalaFM- Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Arbaco ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 25-ka bisha October 2017-ka waxa ay bixineysaa dhaqaalihii dhageystayaasha Idaacadda ay uruurinayeen mudo ku siman Todobaad, kadib Barnaamijka Gurmad oo ay qabatay Risaala.
Barnaamijkan ayaa ujeedada aan u qabanay waxay aheyd sidii aan uga qeyb qaadan laheyn Gurmadka loo sameynayo walaalaheena ku waxyeeloobay Qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe, kaasi oo lagu tilmaamay Musiibo Qaran.
Barnaamijkan oo galabkii si toos ah uga baxayay Raadiyaha, socan jirayna mudo saacad ah, ayaa waxaa lagu uruuriyay dhaqaale aan is leenahay waad ku caawin kartaan walaalihiina qaar ee dhibaateysan, taasi oo ay soo direen dhageystayaasha ku xiran Radio Risaala FM 102.2-Mhz iyo Internetka Risaala.net, ee ku kala sugan dal iyo dibadba.
Dhageystayaasha Risaala ayaa ku tartamayay Taageerada ay siinayeen walaalahooda xilligan u baahan garabka, maadaama Qaraxii Zoobe uu ahaa mid xoogan oo waxyeeleeyay Haween, Caruur iyo Ciroole.
Guddiga Barnaamijkan waday ee ka tirsan Risaala ayaa waxa ay sheegeen maanta oo Arbaco ah in la bixin doono dhaqaalihii laga uruuriyay dhageystayaasha, oo la siin doono dadka sida daran uu u saameeyay Qaraxii Zoobe.
Idaacadda Risaala ayaa aad uga qeyb qaadata Barnaamijyada dadka loogu gurmado laga soo bilaabo 2011-kii xilligaasi oo Abaaro daran ay dalka ka jireen, iyada oo sidoo kale Ramadaankii ina dhaafay sameysay Barnaamij loogu magac daray (Afuri walaalkaaga oo hel laba Ajar), kaasi oo lagu afuriyay dad badan, sidoo kalena lagu ciidsiiyay caruur barakacayaal ah oo boqolaal gaaraya.


