War murtiyeed ka soo baxay golaha siyaasada beesha Habar jeclo ee koonfurta Soomaaliya

Kulan maalmahii la soo dhaafay magaalada Moqdisho uga socday Golaha siyaasadda ee Beesha Habar-jeclo ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa lagu gorfeynaayey arimaha siyaasada iyo xaalada taagan.

Golaha oo uu saldhig u yahay ilaalinta danaha reerka ,Waddajirka iyo midnimada reerka
ayaa maalmihii ugu danbeeyey waxaa magaalada Muqdisho uga socday shir wadda tashi oo lagaga tashanaayo arrimaha reerka iyo xiliga kala guurka ah,.waxaana shirkooda kasoo baxay qodobada hoos ku qoran.

1) Goluhu waxaa ay soo dhoweynayaan shakhsi kasta oo reerka ah una
sharaxan mid ka mid ah kuraasta reerka .

2) Golaha siyaada ee reerku waxaa ay ka soo horjeedaan in kuraasta qaar ay kooto ahaan ugu xidhnaadaan shakhsiyaad gaar ah.

3) Goluhu waxaa ka soo horjeedaan in dad aan beesha ka dhalan ay ergeda ku metelaan beesha.

4) Goluhu waxaa uu aad uga xunyahan siyaasiyiinta ku dhex milmay dhaqanka waxaa ayna ugu baqayaan in hogaanka dhaqan ee beesha
looga danbeeyo hawsha culus ee ay hayaan laguna kalsoonaado.

5) Goluhu waxaa uu ugu baaqayaa hogaanka dhaqanka ee beesha in uu
cadaalad u sameeyo mudanayaasha iyo marwooyinka musharixiinta
ah.

6) Goluhu isagoo xushmad iyo qaderin u haya BOQOR CISMAAN AW
MAXAMUUD (BUURMADOW) wax ay si tolnimo, ehelnimo iyo
islaamnimo ku jirto uga codsanyaan in uu joojiyo faragelinta uu ku hayo habar jeclada koonfurta Soomaaliya.

7) Goluhu waxa uu soo dhoweynayaa dardargelinta Doorasho ku dhisan cadaalad iyo sinaan.

8) Marnaba goluhu ma aqabalaayo doorasho boob ah iyo cadaalad daro ka dhacda beesha dhexdeeda.

9) Marnaba goluhu ma aqbalaayo in dan-shakhsiyeed looga faa’idaysto danta guud ee beesha.

Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shakhsi kasta oo beesha ah Joogana konfurta Soomaaliya in ay ilaaliyaan, ixtiraamaan Qaderiyaan dhaganka iyo kal danbaynti beeshu caanka ku ahayd, shakhsi kastana lagu qaderiyo kaalinta uu reerka u hayo.