Wafdi Madaxweyne Xasan Sheekh ku matali doono shir oo u ambabaxay Nairobi

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Guuleed ayaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya uga qayb galaya meertada 39aad ee Shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD oo maalinta barri ah ka qabsoomi doonta wadanka Kenya, gaar ahaan Nairobi.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa shirkan ku matali doona Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud