Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maalinkii 11-aad galay Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala waxaana galabta Tartan xiiso badan uu dhexmaray Degmooyinka Wadajir iyo Howlwadaag oo Labaduba ku yaala gobolka Banaadir.
Shirkadda Cabitaanada COCA COLA ayaa taaba galineysa tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala sanadkan ay qabaneyso.
Degmooyinka Wadajir iyo Howlwadaag ayaa galabta waxa ay soo bandhigeen tartan aad uheersareeya, waxaana degmo kasta sida caadada aheyd la weydiiyay 6 su’aal.
Degmada Wadajir ayaa galabta waxa ay guul ka gaartay degmada Howlwadaag kadib markii ay ku adkaatay Wadajir ay keensatay 10 dhibcood halka Howlwadaag dhankeenadana ay la timid 7 dhibcood.
Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar ayaa ugu dambeyn waxa uu ku dhawaaqay natiijada taranka udhaxeeyay degmooyinka Wadajir iyo Howlwadaag.
Beri oo Jimco ah Bisha Ramadaan ay noqon doonta Insha Allah 12 ayaa waxaa Masraxa Risaala ku balansan Degmooyinka Xamar Jajab iyo Deyniile.


