Jalalaqsi-RisaalaFM- Madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa duhurnimadii maanta waxa ay gaaraan magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Waare ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Jalalaqsi ku soo dhaweeyay maamulka degmada, Odayaasha Dhaqanka, Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Soo dhaweyn kadib Madaxweynaha ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay maamulka degmada, Odayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, wuxuuna kala hadlay xaalada degmada.
Madaxweynaha HirShabeelle ayaa sheegay kulanka kadib in aan la aqbali karin go’doonka saaran degmada Jalalaqsi, wuxuuna dhammaan ka dalbaday qeybaha uu la kulmay sidii looga wada shaqeyn lahaa hormarka degmada, gaar ahaan ammaanka.
Waare ayaa sheegay kormeerada uu ku sameynayo degmooyinka gobolka Hiiraan, gaar ahaan Buula-burde iyo Jalalaqsi in ay tahay sidii indhaha Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka loogu soo jeedin lahaa magaalooyinkan go’doonka ay saaran yihiin.
Shalay oo Sabti aheyd Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabeelle ayaa booqasho kormeer ah waxa uu ku tagay magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan.










