Kismaayo-RisaalaFM- Dagaal xoogan oo socday saacad iyo wax ka badan ayaa ka dhacay deegaanka Buulo-gaduud ee duleedka Magaalada Kismaayo, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Dowladda iyo kuwo ajaanib ah oo isku dhinac ah iyo ururka Al-Shabaab.
Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa waxa ay weerareen degaanka Buulo-gaduud oo maanta barqadii ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Mareykanka iyo kuwa Kenya, iyadoo ciidamada Jubbaland ay wehliyaan.
Khasaare kala duwan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay dagaalkaasi oo dhinacyada halkaasi ku dagaalamay soo kala gaaray, inkastoo illaa hadda aanan si dhab ah loo ogeyn tirada dhimashada iyo dhaawaca ee dagaalkaasi ka dhashay.
Al-Shabaab ayaa Baraha Internet-ka ee ay wararka ku faafiyaan ku soo qortay gaari ay wateen ciidamada Mareykanka inay ku gubeen dagaalkaasi, inkastoo uusan jirin ilo madax banaan oo warkaasi xaqiijinaya.
Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan weerarada noocaan oo kale ah ku qaada ciidamada Mareykanka, xilliyada ay dhaq dhaqaaqyada Militari ka sameynayaan duleedyada Magaalada Kismaayo.
Deegaanka Buulo gaduud, Bishan gudaheeda waxaa ka dhacay weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen Xerada Ciidanka Jubbaland, halkaasi oo ay ku dileen ciidan badan.


