DAAWO SAWIRRADA: Madaxweyne Xaaf oo gaaray Cadaado

Cadaado-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Geelle Ducaale (Xaaf) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa duhurnimadii maanta gaaray Magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah Galmudug.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Cadaado ku soo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Soo dhaweyn kadib hadal uu Axmed (Xaaf) siiyay saxaafadda ayaa waxa uu kaga hadlay safarkii uu ku maqnaa iyo masuuliyiintii uu kula soo kulmay magaalada Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Dib ugu laabashada Cadaado ee Madaxweyne (Xaaf) ayaa ku soo aaday, iyadoo uu jiro khilaaf u ka dhashay go’aankii uu ku taageeray Isbaheysiga Sacuudiga iyo Carabta, waxaana go’aankaas ka soo horjeestay Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.