Waaberi oo gaartay guushii ugu horeysay ee Tartanka degmooyinka (SAWIRRO)

Garoonka kubadda cagta ee Banaadir Stadium galabta waxaa si rasmi ah uga furmay Tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir.

Furitaanka tartankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Dhalinyarada iyo Xukuumadda Federaalka Khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale.

Kahor inta aysan bilaaban ciyaarta ayaa waxa ay kooxaha iyo dadkii garoonka isugu yimid ay xusuusteen Allaha u naxariistee Axmed Cabdalla oo ka tiranaa xulka Qaranka Soomaaliya, kaasi oo dhawaan ku geeriyooday Turkiga.

Ciyaartii ugu horeysay ayaa galabta waxaa lagu daah furay degmooyinka Waaberi iyo Dharkeynley, waxaana dhexmartay labada kooxood ciyaar aad u xiiso badneyd.

Labada kooxdood ayaa soo bandhigay ciyaar ay jecleysteen kumanaanka qof ee u soo daawasho tagay kulanka, kuwaasi oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir.

Ciyaarta oo qeybteedii hore lagu kala nastay 0-0 ayaa waxaa markii dib la isugu soo laabtay laba gool oo deg deg ah la timid degmada Waaberi, waxaana goolasha u kala dhaliyay ciyaartoyda lagu kala magacaabo Saleymaan Siid (3) iyo Saadaq (10).

Degmada Waaberi ayaa guushii ugu horeysay ee tartanka gaartay, iyaga oo ah difaacadayaasha tartankan, maadaama sanadkii hore ay ku guuleysteen.