Ururka SOMA oo codsaday in la sii daayo Wariye Hanad Cabdi Faarax

Tan iyo shalay, Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) ayaa dadaal u galey sii deynta Hanad Cabdi Faarax, Agaasimaha Radio Codka Mudug oo lagu xiray subaxnimadii Janaayo 12-keedii magaalada Galkacyo, gaar ahaan qaybta dowlad goboleedka Galmudug.

“Si kastaba ha ahaatee, marar badan ayaan la xiriirnay wasiirrada iyo xubnaha kale ee maamulka Galmudug,  nasiib daro, welina ma suurtagalin in  la sii daayo, islamarkaana uu  xorriyaddiisa helo, waxaana uu  xiran yahay in ka badan 48 saacadood iyada oo aan la sheegin sababta “ayuu yiri Maxamed Abduwahab oo ah xoghayaha guud ee SOMA.

Ururka Warbnaahinta Soomaaliyeed (SOMA) ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug, gaar ahaan mas’uuliyiinta iyo bilayska Galkacyo inay sii daayaan Mr Hanad Cabdi Faarax, Agaasimaha Radio Codka Mudug.

SOMA Waxa ay sheegtay  in ay aad uga walaacsan yahay in lagu hayo xabsiga maalin labaad iyadoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.

SOMA waxay sidoo kale dhiiri galineysaa dhammaan hoggaamiyeyaasha iyo saxafiyiinta ku hawlan dadaalka lagu sii daynaayo Hanad Cabdi Faarax, Agaasimaha Radio Codka Mudug.

Radio Codka ayaa mid ka mid ah xarumaha warbaahinta ee xubinta ka ah SOMA.

Wariye Hanad Cali Faarax ayaa ciidamada Booliska ay ku eedeeyeen in uu wax ka oggaa Fal Banaabax oo ka dhacay Gaalkacyo, kasoo looga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo.