Hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) ayaa sheegtay in ay Soomaaliya kusoo celisay 13,800 oo qaxooti Soomaali ah, tan iyo markii uu xeryaha qaxootiga ka bilowday barnaamijka iskaa wax u qabso bishii December sanadkii 2014.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay UNHCR 7,703 qof oo qaxooti Soomaali ah ayaa lagu soo celiyey Soomaaliya intii u dhaxeysay bilaha January iyo April ee sanadkan.
Tan iyo markii uu bilowday nidaamka dib u celinta aan qasabka aheyn bishii December 2014, 63 jeer ayaa lagu daad gureeyey qaxootiga gawaari xamuul ah ,waxaana sidoo kale la adeegsaday 75 duulimaad oo dhanka hawada ah,iyadoona dadkaas la geeyey magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo,iyo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
UNHCR ayaa sheegtay 77 ruux oo ka mid ah dadkaas la geeyey magaalada Baydhabo 312 oo la geeyey magaalada caasimada Muqdisho ,halka 76 qof ka mid ah dadkaas la geeyey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in gaawaaridii dadka lagu soo daabulijiray ay joojisay roobab ka da’ay qeybo ka mid ah wadooyinka dadkaas la soo marsiin lahaa.
War saxaafadeedka UNHCR ayaa yimid ka dib markii xukuumadda Kenya ayaa sheegay toddobaadkii la soo dhaafay in ay xiri doonto xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma ee dalka Kenya,iyadoo ku andacoonaysa in weerada ka dhaca dalka Kenya laga soo abaabulo xeryahaas.


