
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in aanay u muuqan sabab dib loogu billaabo dhoolatuskii milatari ee ay Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ku wada qaban jireen gacanka Kuuriya.
Hadalkaasi Trump ayaa ah mid khilaafsan yahay hadal horaantii todobaadkan wasiirkiisa gaashaandhigga, James Mattis, uu sheegay.
Dhoolatusyada milatari ee halkaasi lagu qabto ayaa muddo dheer ahaa kuwo ay dhibsato Kuuriyada Woqooyi oo ku tilmaantay arrimahaas tallaabooyin daandaansi ah.
Arrinta dadka oo dhan ka yaabisay ayaa ahayd in saraakiil sarsare oo ka tirsan waaxda gaashaandhigga Mareykanka oo uu ka mid yahay madaxweyhne Trump ay shaaciyeen in Mareykanka uu hakinayo dhoolatus milatari oo sanadla ah oo Mareykanka uu ku qaban lahaa gacanka Kuuriya wax yar uun kaddib kulankii Singapore ku dhex maray Trump iyo Kim Jung Un laba bilood ka hor.
Tallaabadaasi lagu hakinayo dhoolatuska ayaa lagu sheegay in ay tahay in xukuumadda Pyongyang loo muujiyo niyad wanaag.
Balse markii ay caddaatay in Kuuriyada Woqooyi ay ka caga jiideyso baabi’inta hubkeeda Niyuukleera sidii horey loogu heshiiyayba ayaa madaxweyne Trump waxa uu hakiyay safar xoghayihiisa arrimaha dibadda Mike Pompeo uu ku tagi lahaa Kuuriyada Woqooyi kaddib kulan usbuucii la soo dhaafay uu kula yeeshay Aqalka Cad.
Arrintaasi ayaa ku khasabtay waaxda gaashaandhigga in ay shaaciso in dhoolatuskaasi milatari dib loo billaabo balse madaxweyne Trump ayaa ku gacan seyray arrintaasi, waxa uuna qoraallo dhawr ah oo uu soo dhgigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in maadaama xiriirkiisa kala dhaxeeya Kim Jung Un uu yahay mid wanaagsan, aanay u muuqan sababta kharash badan uu ugu bixiyo dhoolatuskaasi.
Trump ayaa Shiinaha oo uu ganacsi ballaaran kala dhaxeeyo xukuumadda Pyongyang ku eedeeyay in ay yareynayso cadaadiskii ka dhanka ahaa Kuuriyada Woqooyi, arrintaa oo uu la xiriiriyay muranka dhanka ganacsiga ah ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Shiinaha.
Wadahadallada ku saabsan baabi’inta hubka Niyuukleerka ee Kuuriyada Woqooyi aya hadda la rumeysan yahay in uu hakad ku jiro, inkastoo madaxweyne Trump uu kulankii Singapore kaddib sheegay in halista Pyongyang ay haatan dhammaatay.


