Toogasho lagu dilay 8 Askari

Koox hubaysan oo aan la aqoon ayaa weerartay askar Afghanistan ah oo ka shaqeynaayay saldhiga military ee ugu weyn maraykanka ee ku yaal Afghanistan,waxaana weerarkaa ku dhintay sideed askari .

Weerarka ayaa ka dhacay meel udhaw saldhiga diyaaradaha  Bagram ee xaafada Shah Kah,waxaana sidoo kale ku dhaawacantay labo askari oo Afghanstan ah.

Dhacdadaan ayaa lagu soo waramayaa in ay dhacday markii koox ka mid ah ciidamada oo shaqada kusii jeeda wadada loo galay

Waxaana mas’uuliyada weerarkaa sheegtay ururka Dalibaan ee ka dagaalamo gudaha dalka Afghanistan.

Daliban ayaa axadii waxa ay labo weerar waxa ay ku qaadeen xarun boolis oo ku taal magaalada Gardez oo ah caasimada gobolka Paktia.

Waxaana weerarkaa ku dhintay labo sarkaal oo boolis ah halka ay ku dhaawcmeen shan kale.

Tan iyo markii sanadkii 2001 ay gudaha Afghanistan ay dagaalka ku galeen maraykanka iyo xulafadiisa waxaa ka jirtay xaalad nabad galyo darro oo looga soo hor jeedo ciidamada shisheeye ee ku sugan Afghanistan.