SAWIRO+DHAGEYSO: Tiro arday ah oo ka qallin badeshay Machadka Al Nuur

Tiro arday ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa maanta ka qallin badeshay Machadka Al Nuur oo mataan la ah Jaamaacadda Islaamiga, waxaana lagu qabtay xafladooda Hoolka Jaamacadda. Aradydan ayaana ahaa dufcadii 15-aad ee ka qalin bedesha Machadkan.

Waxaa goob joog ahaa Munaasabada Waalidiin, marti shataf, iyo maamulayaasha qaar ka tirsan Macaahida shareecada ee ku yaalla Mogadisho.

Intooda badan dadka xafladda ka hadlay ayaa ku dhiirigaliyay Ardaydan in dadaalka iyo dhabar adeega badan oo ay muujiyeen mudadii ay kuguda jireen waxbarashada.

Ustaad Muuse Maxamuud Calasow oo ah maamulaha Al Nuur ayaa kula dardaarmay ardayda maanta dhameysatay waxbarashada dugsiga sare in ay sii wadaan waxbarashada oo ay halkaa kaga harin.

Qaar kamida arday maanta ka qalin badalaneysa machadka Al Nuur ayaa sheegay in ay si weyn ugu faraxsan yihiin maanta in ay dhammeystaan waxbarashadooda dugsuga sare, ayna jecel yihiin in ay sii wataan.

Cabduqadir Cali Muumin oo ah gudoomiyaha Jaamacadda Islaamiga ayaa kula dardaarmay ardaydan in ay xajiyaan Cilmiga ay barteen siina wadaan waxbarashada, isagoona sheegay in ay kusoo dhaweynayaan ardayda haddii ay kusoo biirayaan Jaamacadda.

Gabagabada xafladda waxa uu maamulka Machadka AL Nuur uu gudoonsiiyay shahaado sharaf Lixda arday ee ugu sarreeyay natiijada Imtixaankii ay galeen, iyagoona ugu bishaareeyay in ay Jaamacadda Islaamiya haddii ay ku biiraan ay lacag la’aan ku baranayaan halka sano ee ugu horreeya.