Waxaa sii kordhaya tiradda dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay Shilkii diyaaradda Ethiopian Airlines ee maanta ka dhacay dalka Itoobiya.
Qaar ka mid ah Eheladda dadkii Soomaalida ahaa ee diyaaradda Saarnaa ayaa xaqiijiyay Geeridda 4 ruux oo Soomaali ah, kuwaasoo heystay Baasabooradda dalalka Canada iyo Mareykanka.
Dadka dhintay waxaa ka mid ah Haweenay Soomaali ah iyo wiil ay dhashay oo lagu kala Magacaabo sahra xasan siciid iyo wiilkeedii Nasruddin Abdikadir ,Shahaad Abdishakuur oo ka mid ahaa Shaqaallaha Xafiiska ra’iisul Wasaaraha iyo nin Magaciisa lagu soo koobay Cabdi Diinle oo Soomaali ah.
Waxaa jira sidoo kale Gabadh Soomaali ah oo deganeyd dalka Kenya, taasoo aan wali la shaacin Magaceeda.



