DHAGEYSO: Xaaf” Waan isdifaaceynaa”

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Galmudug ay isku difaaci doonto dowladda Dhexe ee Soomaaliya hadii lagu soo xadgudbo jiritaankeeda.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in Galmudug ay ku dhaqmi doonto kaliyah dastuurkii la ansixiyay markii la isku daray Galmudug iyo maamulkii Ahlusunna , islamarkaana wixii intaasi ka baxsan ay yihiin Sharci daro ah aan la aqbalikarin.

Xaaf ayaa xusay in Galmudug aysan aqbali doonin in laga leexdo wadada Saxda ah,islamarkaana aysan jirin diyaargarow doorasho.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn reer Galmudug ugu baaqay in ay isku-tashadaan oo ay Maamulkana la shaqeeyaan waxaa uu sheegay in qofwalba oo shaqaale Galmudug ah uuna mardambe mushaar la’aan noqon doonin dadkana looga baahanyahay in ay Canshuuraha bixiyaan.