Theo Walcott waxaa ka maqnaa garoonka tababarka – laakiin xiddiga Arsenal ayaa lagu wadaa inuu horseed u yahay xiddigo dhowr ah oo laga fasaxayo kooxda Arsenal.
Xiddiga reer England oo 27 jir ah, waa niyad jab ka qaaday garoonka Emirates ka dib markii lugu bilaabay kaliya hal kulan Premier League tan iyo dhamaadkii January.
Wuxuu si joogta ah ugu jiray kursiga keydkatasoo meesha ka saareysa inuu boos ka helo Euro waxaana hadda uu ka fakirayaa mustaqbalka dhamaadka xilli ciyaareedka.
uma badna in xili ciyaaredka dambe Theo Walcott uu kusii sugnaado kooxda Arsenal, xili dalabyo waali ah uu ka helayo kooxda West Ham.


