Lewandowski oo diyaar u ah inuu sii joogo Bundesliga

Robert Lewandowski ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu sii joogo kooxda Bayern Munich oo uu la qqaado Bundesliga 26-aad iyo markii lixaad Champions League.

Munich ayaa horyaalka 3-0 kaga badisay kooxda Schalke sabtidii iyadoo gaartay semi-finalka Champions League, waxaana ay wajihi doonaan kooxda ka dhisan La Liga ee Atletico Madrid.

Lewandowski ayaa dhaliyay labo gool kulankii Schalke isagoo dareensan in kooxdiisa hadda guulo la sameyn karo.