Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan jirin wax joogitaan militari ah oo Israa’iil ku leedahay Somaliland, isla markaana aysan socon wax wada-hadallo ah oo ku saabsan in Israa’iil ay saldhig ciidan ka furato dhulka Somaliland.

Wasiirka ayaa hadalkan u sheegay wakaaladda Reuters maanta oo Arbaco ah, xilli uu ka qeyb galayay shir ganacsi oo ka socday magaalada Tel Aviv ee Israa’iil.

Maxamed Yuusuf Cali ayaa sheegay in Israa’iil ay tababar siiso ciidamada militariga iyo booliiska Somaliland, balse wuxuu ku tilmaamay wararka sheegaya in Israa’iil ay wadahadallo ka waddo saldhig militari oo ay ka sameysato Somaliland inay yihiin “xan iyo warar aan xaqiiqo ku dhisnayn.”

Danjiraha Israa’iil u fadhiya Somaliland, Michael Lotem, ayaa dhankiisa ka gaabsaday inuu wax faallo ah ka bixiyo arrintan.

Somaliland oo ku taalla Geeska Afrika ayaa tan iyo sanadkii 1991 si iskeed ah uga talinaysay deegaannadeeda kadib markii ay ka go’day Soomaaliya xilligii dalku galay dagaallada sokeeye. Bishii December ee sanadkii hore ayay Israa’iil noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, tallaabadaas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaantay mid dhaawac ku ah madax-bannaanideeda iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Sidoo kale, bishii Febraayo Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa Reuters u sheegay in Somaliland ay rajaynayso iskaashi militari oo mustaqbalka la yeelato Israa’iil, balse aan weli laga wada hadlin in saldhigyo ciidan oo Israa’iili ah laga sameeyo Somaliland.

Warbaahinta Caalamka ayaa dhawaan sheegtay in Israa’iil ay furtay xarun sirdoon oo ku taalla Somaliland isla markaana ay jireen wadahadallo ku saabsan saldhig militari, hase yeeshee Wasiirka Difaaca Somaliland ayaa si cad u beeniyay wararkaas.