Maamulka degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay ayaa waxa ay ka warbixiyeen iska hor imaad ka dhacay meel aan ka fogeen degmada Buur-hakaba.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Buur-hakaba Axmed Shirqaan oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyay iska hor imaadkaas udhaxeeyay ururka Al-shabab iyo ciidamada Koonfur Galbeed oo garab ka helaya ciidamada AMISOM.
Dhanka kale gudoomiye ku xigeenka ayaa waxa uu sheegay in ay la wareegeen deegaano ka tirsan degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay, waxaana uu tilmaamay in Al-shabaab ay dagaalka kal kulmeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa ciidamada gaarka ah ee Koonfur Galbeed waxa ay degmada Buur-hakaba ka wadeen howlgallo lagu xaqiijinayo amniga.


