Daawo Sawirada: Maalinta dhir beerista Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabadaan lagu daah furay todobaadka dhirbeerista Qaranka Soomaaliyeed oo maanta ay ku beegan tahay Maalintii Qaranku u asteeyay ee 17-ka April ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Soomaaliya.

Waxaana ka soo qayb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda howlaha guud, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada iyo marti kale .

Darbiyada ayaa lagu xardhay boorar ay ku qoranyihiin halku dhigyo ka turjumaya muhiimadda dhirtu u leedahay Ummadda, iyadoo sidoo kale mas’uuliyiintu ay talaaleen dhowr geed .

1- 4-

3-

2-