Barnaamijka Tartanka Qur’aan Akhriska Idaacadda Risaala ayaa wali si rasmi uga socda Xarunta Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho.
Tartankaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Wiil iyo Gabdho waxaana loogu tala galay in lagu dhiirigaliyo Wiilasha iyo Gabadhaha Xifdisan Qur’aanka.
Tartanka Koowaad.
Waxaa ka qeyb galaya gabdhaha Da’dooda ay ka hooseyso 25 sano jir.
Gabdhaha ayaa waxa ay ku tartamayaan 30-ka jus ee Quraanka Kariimka ah, waxaa Sanadkaan maalgalinaysa Shirkadda Waaberi Jumbo.
Tartanka Labaad
Waxaa Todobaadkii labaad ka socda Idaacadda Risaala Tartanka Qur’aan Akhriska ee Wiilasha ay da’dooda ka yartahay 15-ka Sano.
Tartankaan oo ah Mid Idaacaddu ay qabato Bisha Ramadaan Sanadkaste waxaa ku tartama Wiilasha ay da’dooda ka hooseyso 15-ka Sano ee Qur’aanka Xifdisan.
Waxa ay ku tartamaan Sanadwalba 30-ka Jus ee Qur’aanka, waxaana Shirkadda Ibnu Qayim Al-Jowzi ay abaalmarino qaali ah gudoonsiineysaa Ardada kaalmaha hore ka gala Tartankan.



