Dr Dufle oo Mar kale loo doortay Senator Aqalka Sare ka tirsan

Waxaa goor dhow soo dhamaatay tirinta codadka doorashada kursiga afaraad ee caawa lagu tartamayay kurasta Aqalka Sare.

Senatar Cismaan Maxamuud Prof-Osman Dufle ayaa dib loogu doortay xilka Senatarnimo ee Aqalka Sare, kaddib markii wareeggii 3aad ee kala baxa ahaa uu ku guuleystay 68 cod, Musharaxa la tartamayay Raage Xasan Xuuti uu helay 28 Cod.

Wareegii koowaad waxaa ku haray Maxamuud Axmed Nuur Tarsan duqii hore ee Muqdisho oo si weyn u taageera Madaxweyne Farmaajo.