Maxay ka wada hadleen Wasiirka Arimaha dibada XFS & Safiirka Qatar u Fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Dowladda Qatar  u qaabilsan  u fadhiya  Soomaaliya, Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi, oo booqasho sharafeed ugu yimid.
Intii lagu guda-jiray booqashada waxaa lagaga hadlay qoto-dheeraynta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta  xiriirka labo geesoodka ee xooggan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo dadaallada iskaashi ee labada dal, iyo sida ay uga go’antahay xoojinta iskaashi dhinacyo badan leh oo ka tarjumaya himillooyinka ay wadaagaan ee ah hiigsiga horumar iyo barwaaqo.