Aadan Madoobe oo maanta wareejinaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta lagu wadaa inuu si rasmi ah u wareejiyo mas’uuliyadda hoggaanka Golaha Shacabka, kadib markii dhawaan loo doortay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Aadan Madoobe ayaa la filayaa inuu hortago Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, halkaas oo uu ku caddeyn doono in Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiyo Yaasiin Samatar, ay sii wadato gudashada waajibaadka guddoomiyaha, isla markaana hay’adaha dowladda iyo xildhibaannaduba ay la shaqeeyaan inta laga soo dooranayo guddoomiye cusub.

Aadan Madoobe oo xilkan hayay muddo ka badan afar sano ayaa hadda u wareegay hoggaaminta maamulka Koonfur Galbeed, taasoo keentay in Golaha Shacabka yeesho hoggaan ku-meel-gaar ah.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo la filayo in dhawaan dib loo furo kalfadhiyada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo qorshaha ugu weyn uu yahay doorashada Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.