Wafdi ka socda Dawlada Soomaaliya oo shir uga qayb galay dalka Baxreeyn

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukiimadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Biixi Imaan Cige ayaa  ka qeyb galay Fadhiga 33-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta oo sanadkaan lagu qabanayo Magaalada Manama ee xarunta boqortooyada Baxreeyn.
Shirkaan oo ah kii sanadlaha ahaa ee Madaxda Carabta ayaa qeybtiisa heerka Wasiir-Maaliyadeed oo hal maalin ahaa waxaa looga dooday qodobbo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka iskaashi ee dhaqaalaha Dalalka Carabta, in wadajir looga shaqeeyo horumarinta xasiloon ee dhaqaalaha iyo in la abuuro fursadaha sare loogu qaadayo maalaglinta.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya  Mudane Biixi Cige oo kulanka kadib qoraal kooban ku shaaciyay bartiisa Twitter ka ayaa sheegay in sidoo kale shirka looga dooday arrimo muhiim u ah oo ay ka mid tahay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya.