Wasiirka haweenka oo ku eedeysay Madaxweynaha Koonfur Galbeed beegsiga hooyadeed

Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee xukuumada federaalka Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim “Xaabsade , ayaa ku eedeysay ciidanka nabad sugidda maamulka Koonfur Galbeed iney hooyadeed kasoo xiri gaareen hoygeeda.

Wasiiradda ayaa intaa ku dartey iney jireen waayadan kala fikir duwanaansho u dhaxeeya iyada iyo Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed, Cabdulcasiis Xasan Maxamed “Lafta Gareen”.

War ay soo saartay ayaa siddaan u qornaa:

Waxaan kaxumahay kaladuwanaasha siyaasadeed ee madaxwayne Laftagareen iyo aniga in ay ku ekaan waysay siyaasada ee loo dhacay maanta hooyaday macaan gurigeeda ciidan isku sheega nabad sugida southwest in ay kasocdaan tagaan oo laba Abdibila ah si iyada usoo xiran bilaa sabab sidoo kale habaryer tay qori lugu qabtay dil loogu hanjabay

Madaxwayne Abdiaziz ayaa toos masuuliyadaas u qaadaayo wixii meesha kadhaco caburinta shacabka iyo ixtiraam la aan koonfurgalbeed kajirtana haday soo afjarmaysaa insha allah

Ciidanka aad hooyoyinka koonfurgalbeed kubeeqsanaysid fadlan shabaab isaga celi oo dhamaan koonfurgalbeed ku xareeraysan