Ciidanka PMPF oo howlgallo ka sameeyey xalay saqdii dhexe magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay nin ku hubaysan walxaha qarxa, kaas oo la sheegay inuu ka tirsan yahay Daacish ama Alshabaab.
Howlgalladan qorshaysan ayey ciidanka PMPF ku qabteen bambooyinka gacanta ee sababa qaraxyada xooggan, gaadiidkii lagu wadey iyo ninkii watay.
Warkan kasoo baxay Ciidanka PMPF ayay ku sheegeen in hubkaasi ujeedkiisu ahaa in lagu waxyeeleeyo shacabka magaalada Boosaaso.