Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo Muqdisho ka furmaya

Magaalada Muqdisho  ayaa  la filaayaa in uu ka Furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka Kooban Dawlada Federaalka Madaxda Dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Waxaa Magaalada Muqdisho shalay soo gaaray madaxweynayaasha Dawlada goboleedyada oo kala ah :

Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Shirka golaha wadatashiga ayaa baaqday bishii la soo dhaafay ee  April, iyadoo  madaxtooyada Soomaliya ay  ku sheegtay sababta uu u baaqday arimo farsmo sodoo kale   waxa jiray khilaaf oo aan la ogeyn  dhinacyada u dhaxeyo  oo aan xal laga gaarin shirka ka hor.

Dhinaca kale waxa shirka qaadacday oo sheegtay in aanayba aqoonsaneyn dawladda federaalka dawlad goboleedka Puntaland oo dhawr jeer oo horena ka baaqsatay ka qaybgalka shirrarka golaha wadatashiga qaranka.

Lama sheegin ajandaha shirka   Muqdisho ka furmaya, balse kii baaqday bishii April ayay Villa Somalia waxa ay ku sheegtay in looga arisanyo arimo masiiri ah oo ay kamid yihiin dhameystirka dastuurka  iyo la dagalaanka Al-shabaab.