Wafdi heer sare ah oo ka socdey Midawga Afrika oo uu hogaaminayey madaxa Midawga Afrika Waaxda Taageerada Hawlgallada Nabadda (#AUPSOD), Gen. Cheick Dembele ayaa la kulmey wakiilo ka socdey wadamada Ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCCs), Saaxiibada Caalamiga ah & masuuliyiin ka socotey Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS).
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray amniga, Wajiga 3aad ee dhimista Ciidamada ATMIS iyo qorshayaasha amni ee bixitaanka ATMIS ka dib.
Bilihii la soo dhaafay waxaa qeybo kamid ah dalka ka baxay kumanaan askari oo katirsan Ciidamada ATMIS, waxaana la qorsheeyay in dhamaadka sanadkaan dalka oo dhan ah ka baxaan Ciidamada ATMIS.