Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beesha caalamka ka dalbatay lacag dhan 6.3 bilyan oo doollar, taas oo loogu talagalay wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada ee dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada ee COP31, ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay maalgelin ballaaran si ay wax uga qabato dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada, kuwaas oo ay ka mid yihiin abaaraha soo noqnoqda, fatahaadaha iyo masiibooyinka dabiiciga ah.
Madaxweynaha ayaa beesha caalamka ugu baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dhaqaalaha loogu talagalay ka hortagga masiibooyinka, gaar ahaan marka la helo digniinaha hore ee tilmaamaya khataraha dabiiciga ah, si loo badbaadiyo nolosha dadka loona yareeyo khasaaraha ka dhasha musiibooyinka.
Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in maalgelinta la xiriirta isbeddelka cimilada lagu bixiyo qaab deeqo ah, halkii ay ka ahaan lahayd deymo dheeraad ah oo culays dhaqaale ku kordhin kara dalalka nugul.
Waxa uu sidoo kale dalbaday in la fududeeyo habraacyada lagu helo dhaqaalaha cimilada, iyadoo si gaar ah loo tixgelinayo xaaladaha iyo nuglaanta dalalka sida Soomaaliya oo si weyn u saameeyaan isbeddellada cimiladu.
Codsiga Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli dalka uu muddooyinkii dambe la tacaalayay abaaro iyo fatahaado soo noqnoqday, kuwaas oo saameyn ku yeeshay nolosha bulshada, dhaqaalaha iyo wax soo saarka dalka.



