UK oo bilaabaysa Raafka Muhaajiriinta loo tarxiilayo dalka Rwanda

Muhaajiriinta sharci-darrada ku soo galay dalka Britain ayaa la filayaa in la soo qabqabto muddo Toddobaadyo, iyadoo loo diyaar garoobayo  Duullimaadyadiii u horeeyey Muhaajiriinta la dejinayo dalka Rwanda.

Wargeyska The Guardian ayaa qoray in berrito oo Isniin ah la bilaabi doono Hawlgalka dadka  Muhaajiriinta sharci-darrada loogu gudbin lahaa Xarumaha dadka lagu hayo.

Xafiiska Arrimaha Gudaha ee dalka UK ayaa sheegay in la galayo Wejigii u dambeeyey ee hawlgalkaasi.

Qareen Aamer Anwar oo ka tirsan Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Fadhigeeda Dhexe yahay Glasgow (The Glasgow-based human rights) ayaa sheegay in lagu wargeliyey in berrito oo isniin ah la bilaabayo Hawlgalka Qabqabashada Muhaajiriinta loo tarxiili doono dalka Rwanda.

Qareen Aamer Anwar waxa uu xusay inuu rajaynayo in maalmaha soo socda la arko Kacdoon  Dhabaha Kenmure Street ee guud ahaan dalka UK.

Dibadbaxyadda Waddooyinka ee looga soo horjeedo Raafka Muhaajiriinta sharci-darrada ayaa waxay magaalladda Glasgow ka dhaceen sanadkii 2021-kii, iyadoo xilligaasi ay Boqolaal qof jidka ka xireen Gaadiidka Waaxda Socdaalka, si looga hortago in khasab lagu kaxeeyo Magangelyo-doonayaasha