Xulka qaranka 18 sano jirrada Soomaaliya ayaa maanta fooda is dari doona dhiggooda Kenya, kulan ka tirsan finalka kubadda cagta guruubyada tartanka bariga iyo bartamaha Africa ee Cecafa.
Labada kooxod ayaa ka tirsan guruubka A. Waxaa sidoo kale isla guruubkaas ka tirsan oo wada cayaari doona dalalka Rwanda iyo Sudan.
Kulamadan ayaa ka kala dhici doono garoonka Bukhungu Stadium oo ku yaala magaalada Kakamega ee galbeedka Kenya iyo garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Kisumu ee gobolka Nyanza.
Kenya ayaa hogaamineysa guruubkan iyadoo leh lix dhibcood, halka Soomaaliya iyo Rwanda ay ku jiraan kaalinta labaad iyagoo haysta 3 dhibcood. Sidaa awgeed Soomaaliya waxay maanta u baahantahay inay badiso si aysan ugu harin groupka.
Hadii Rwanda ay guul darro la kulanto ama ay barbar dhac la gasho Sudan, waxay ka dhigantahay in Soomaaliya ay sidaas ugu soo bixi doonto wareegga xiga.
Ciyaartan ayaa soo gali doonta 3-da galabnimo waqtiga Geeska Afrika.
Group A : Kenya, Somalia, Rwanda, Sudan
Group B : Tanzania, Zanzibar, South Sudan, Uganda